Magaalada Buurdhoobo oo Gobolka Gedo ka tirsan iyo deegaano ku dhow dhow Degmada baardheere ee Gobolka Gedo xalay waxaa gudaha u soo galay Ciidamo ka tisan Maxaakiimta Islaamiga oo iyagu wata baabuurta gaashaaman iyo Ciidamo tababaran sida ay xaqiijiyeen mar aan xiriir la sameynay dadka deegaanka.
Majiraan wax iska hor imaadyo ah oo xalay ka dhacay Magaalada Buurdhuubo iyo deegaanada hoos yimaada Degmada Baardheere oo hada ay ku sugan yihiin Ciidamada Maxaakiimta.
Waa markii ugu horaysan xoogaga Maxaakiimta Islaamiga ay soo galaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, iyadoo aanaysan jirin ilaa iyo hada Mas`uuliyiin ka tirsan Gobolkaasi oo ka hadlay.